Ma Xabsiyo Mase Xarumo iskuul ayaa loo baahan yahay ? [Warbixin]

96

Mogadishu (Midnimo)- Waxaa wali dalka Soomaaliya ka soconayo isbadalo badan oo laga dareemayo deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya, balse isbadalada ma ahan kuwo lagu saleynayo baahiyaha dadka ay qabaan.

Sida aad ku aragteen warbixintii hore ee aan ka diyaarinay Koofur Galbeed waxaa hadda cadaatay qeybo kamid ah warbixintaasi, kadib markii dhagax dhiga Xabsi dhexe laga bilaabay magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaana ka qeyb galay dhagax dhiga xabsigaasi laga hergilinayo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, wuxuuna xabsigaasi ku tilmaamay mid wax badan laga faa’idi doono.

“Xabsigan cusub wuxuu meesha ka saarayaa baahidii loo qabay xabsi dhexe oo deegaanku yeesho. Waxaan rajeynayaa in marka uu dhamaado dhismaha xabsigan uu buuxin doono baahidii deegaanku u qabay. Iyadoo tani ay qeyb ka noqonayso qorshaha dawladda ee kor loogu qaadayo caddaaladda iyo amniga dalka.” Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Haddaba waxyaabaha la isweydiinayo ayaa ah dadka ma waxay u baahan yihiin xabsi mase xarumo iskuul oo tayadooda lagu dhiso.

Waxaa la isweydiinayaa dadka Soomaaliyeed ma waxay u baahan yihiin inay xabsiyada la wada geliyo mase in la baro sida aan xabsiga loo galin, oo xarumo kale loogu dhiso.

Dad badan ayaa sheegaya in dhismayaasha xabsiyada ee kusoo badanaya maamulada dalka inay la micno yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dambi galis badan oo u baahan in xabsiyo loo sameeyo.

La soco qeybaha kale ee warbixinada.

Comments