Qorshaha mooshin ka dhan ah Farmaajo oo Bilowday [Warbixin]

149

Mogadishu (Midnimo)-Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay qaarkood ka wadaan magaalada mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Mooshinkan, ayaa waxaa dhabarka ka riixaya Emirate-ka Carabta, iyadoo loo adeegsanayo siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaa oo Magaalada Muqdisho ku abaabulaya tiro Xildhibaano ah. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirar gaar gaar ahi ay siyaasiyiinta iyo Xildhibaanaduba uga bilowdeen Magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayan in yoolku uu yahay mooshinkaasi in Guddoonka Golaha Shacabka loo gudbiyo maalinta Isniinta, oo Madaxweyne Farmaajo uu u socdaali doono dalkaasi Emirate-ka.

Wararka, ayaa intaa ku daraya saxiixa mooshinkan in Xildhibaan kasta lagu siin doono lacag dhan labaatan kun oo lacagta Mareykanka ($20,000), halka cod u qaadista mooshinkuna uu Xildhibaankii ku heli doono konton kun oo dollarka Mareykanka ($50,000).

Mooshinkan oo ah mid lagu carqaladeynayo Villa Somalia, ayaa waxa uu barbar socdaa mooshin kale oo Magaalada Muqdisho lagu karkarinayo, kana dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Farmaajo, ay yihiin kuwa diyaarinaya mooshinka la damacsan yahay in xilka looga tuuro Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Warar lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in Jawaari uu qaban doono mooshinka ka dhan ah Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, haddii aanay Villa Somalia joojin cadaadiska ay ku hayso.

Jawaari, ayaa xilligan u arka in halis uu ku jiro xilkiisa, si uu u badbaadsadana uu Xildhibaanada wada mooshinka liddiga ku ah Farmaajo, kala shaqayn doono mooshinkaasi, oo qorshaha laga leeyahay uu yahay in kursiga looga tuuro Farmaajo.

Xildhibaanada ka shaqaynaya mooshinka ka dhanka ah Jawaari, ayaa iyagu qorsheynaya in ay mooshinkaasi u gudbiyaan Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, si uu ugu soo daro ajandaha Golaha Shacabka, looguna qaybiyo Xildhibaanada.

Emirate-ka Carabta, ayaa u muuqdo mid weli saluugsan mowqifkii dhexdhexaadnimada ee Villa Somalia ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya xulufada Sacuudiga oo Emirate-ka uu qayb ka yahay iyo Dowladda Qatar.

Si kastaba ha-ahaatee mooshinadan is barbar yaacaya, ayaa ku soo beegmaya, xilli 10-ka bisha soo socota ee December lagu wado Xildhibaanada Golaha Shacabka inay fasax galaan.

Comments