Qoysaska dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe oo lacago loo qeybiyay

364

Mogadishu (Midnimo)-Guddiga Gurmadka qaran ee qaraxii Soobe ayaa maanta deeq lacageed gaarsiiyay qaar ka mid ah caruurtii waalidiintooda ay ku dhinteen Qaraxii 14kii Bishii Octobar ka dhacay Isgoyska Soobe.

Deeqdaan ayaa ka qeyb ka aheyd lacagtii ay soo aruuriyeen dadka Shacabka ah ee kunool degananada dowlad goboleedka Puntland.

Caruurta deeqda loo qeybiyay ayaa gaarayay 450, waxaana deeqdaasi guddoonsiiyay Mas’uuliyiintii Puntland ee deeqdaasi loo soo wakiishay iyo Guddiga Gurmadka Qaraxii Zoobe.

Sheekh Maxamed Xaaji yuusuf oo ka mid ahaa Guddigii deeqdaasi loo soo wakiishay ayaa ka warbixiyay lacagta ay maanta qeybiyeen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan caruur badan oo waalidkood ku waayay Qaraxii Zoobe, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la gaarsiinaayay deeq ay soo aruuriyeen Bulshadda Soomaaliyeed.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.