Madaxweyne Waare oo ka hadlay colaadaha Shabeelaha Dhexe

33

Mogadishu (Midnimo)-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dowladda aysan kala tashan dagaalka ay ka bilowday gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxa uu sheegay in uu aad ugu wal walayo Ciidamada dowladda ee dagaalka la geliyay gaar ahaan kuwii ka howgalaayay gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxa uu sheegay in ay muhiim ahayd in Madaxda Hirshabeelle lagala tashado howlgalada iyo dagaalada laga bilaabayo gobolka Sh/dhexe.

Waxa uu xusay in uu ka cabsi qabo in ay ku dhabar jabaan Ciidamada dowladda dagaalka ka bilowday gobolka.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay Saraakiisha ciidanka dowladda iney sameeyaan la tashi ku aadan qorshaha dagaal ee gobolka Sh/dhexe iyo howlgalada Al-Shabaab loogu saarayo guud ahaan degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka.

Waare

Comments