Xildhibaanada aqalka sare oo wasiirka Gaadiidka Su’aalo weydiinaya

33

Mogadishu (Midnimo)-Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kamid ah kalfadhiyadooda caadiga ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa lagu wargelinayay xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana ay su’aalo weydiinayaan wasiirka wasaarada gaadiidka, cirka iyo Dhulka.

Su’aalahaasi ayaa la xiriira shaqada wasaarada gaadiidka ay qabato iyo waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xilkaasi hayay.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa horey su’aalo u weydiiyay wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyaga oo su’aalo ka weydiiyay arimaha xajka iyo dhaqaalaha Xujeyda Soomaaliyeed laga qaado.

Waxay muddooyinkii u dambeeyay wadaan xildhibaanada aqalka sare la xisaabtan ku aadan golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Comments