Wasaaradda amniga oo markale ka hadashay amaanka Muqdisho

37

Mogadishu (Midnimo)-Wasaaradda amniga Somaliya ayaa sheegtay in si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo laga duulayo ka hortagga weeraro Shabaab ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya C/casiis Cali Ibraahin, ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay kordhiyeen hawlgalada ay ku xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho, sidoo kalena lagu hubinaayo gaadiidka Magaalada.

Wuxuu sheegay qorshaha adkeynta ammaanka Muqdisho inuu salka ku haayo si looga hortago weeraro Shabaab ay la eegtaan goobaha ganacsiga ee Magaalada gudaheeda ku yaallo.

Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ka taagan ciriiri xoogan oo ku aadan in gaadiidka si wayn loo baaro, waxaana sidoo kale jirta in Koontaroolo badan Magaalada gudaheeda ay dhex yaalaan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay shacabka Somaliyed in laga doonaayo Wasaaradda amniga inay ku soo wargeliyaan dadka ay ku arkaan iyaga oo ku guda jira falal ka dhan ah ammaanka.

Wuxuu sheegay kooxaha dilalka iyo qaraxyada ka gaysta Magaalada gudaheeda inay  ka soo baxaan guryo Magaalada ku yaalo, isaga oo ka dalbaday shacabka Somaliyed inay soo sheegaan dadkaasi dhibaatada u maleega Muqdisho gudaheeda.

Wixii ka dambeeyay qaraxii Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho feejignaan dhanka ammaanka ah ayaa ka jirta caasimadda gudaheeda.

Comments