Sawirro: Shacabkii lagu laayay duqeyntii Shabeelaha Hoose ka dhacday

54

Mogadishu (Midnimo)-Dad shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn Diyaarad Drone ah, xalay ay ka fulisay deegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana halkaasi ku dhintay dad beeraley ah.

Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday duqeyntaas oo beeraleey ah, kuwaasi oo ku sugnaa Beertooda xilliga duqeynta ay dhaceysay.

Deegaan dhanka Koonfur Bari kaga beegan Daaru Salaam Gobolka Shabellaha hoose, ayaa laga soo qaaday maydadkaan, waxaana Sawiro ay soo qaadeen Shabaab ay muujinayeen maydadka saddexda ruux ee duqeynta ku dhintay.

Maalmahan dambe duqeynta lala eeganaayo Magaalooyinka Shabaab ay maamulaan ayaa korodhay, iyadoo duqeymaha qaar dhibaatooyin ay ka soo gaaraan dadka shacabka ah.

Ehelada Dadkaan duqeynta lagu dilay ayaa sheegay xilliga duqeynta ay dhaceysay saddexdaan ruux inay ku mashquulsanaayeen Waraabinta beer ku taallo deegaanka Daaru Salaam.

Comments