Maqaamkii Muqdisho iyo Mataaladii Gobolka Banaadir Ma Marnaan ee Taabidaa u howl galay

98

Mogadishu (Midnimo)-Magaalada MuqdishO ayaa ah Bidhaan ay wada eegtaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin waxay aheyd magaaladII Gobnimodoonka, waxayna soo matay marxalado badan oo ay midba maalinteeda ka gudubtay waana mida ay ku mudeystay in ay noqoto magaaladii dulqaadka iyo soo dhoweynta Magaalada ayaa soo martay xaalado badan oo qalafsan waxayna nasiib u yeelatay in ay ka taliyaan oo ay maamulkeeda soo maraan in ka badan 20 Duq magaalo.

6-dii bishii April ee 2017 ayaa gobolka Banaadir oo magaalo madax u tahay Muqdisho loo magacaabay inuu Guddoomiye iyo sidoo kale uu ka noqdo Duq Magaalo Mudane Taabid Cabdi Maxamed, kaasoo magacaabistiisa ay soo dhaweeyeen bulshoweynta soomaaliyeed ee magaalada caasimada ku nool. waxa uu noqday mas’uulkii ugu da’da yaraa ee xilkaas soo mara, waxay magacaabistiisa timid xilli magaalada ay u baahneyd in ay ka muuqato dalka intiisa kale, iyadoo oo uu maqan yahay maqaamkii magaalada Muqdisho, waxayna dad badan ay ogaayeen in Guddoomiyaha cusub ay sugeyso shaqo badan, isla markaan hami weyn ay shacabka u hayeen arrinta ugu weyn ee ay reer Muqdisho ka sugayaan uu ahaa inuu dib u muujiyo matalaadii Caasimadda ku laheyd saaxada siyaasadda iyo ka dhex muuqashada shirarka jaan-goynta arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah

Dowladdii hore ayaa ku guuldareysatay inay muujiso mataaladii Caasimadda Muqdisho iyo aayaha saddexda milyan ee ruux ee ku nool Caasimadda, iyadoo dalka intiisa kale ay ka hirgelisay maamul goboleedyo aayahooda ka tashta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Magacaabidiisa kaddib ay muuqdeen waxqabadka maamulkiisa, waxaana la magaacabay Guddoomiyeyaal cusub oo 17-ka degmo ah, iyadoo markii ugu horeysay ay tiro badan oo haween ah ay ka soo muuqdeen maamulka gobolka Banaadir oo ka helay ilaa 5 guddoomiye Degmo, tani ayaa noqotay mid mar kale muujisay doorka haweenka ku leeyihiin bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiye Taabid uu hormuudka u noqday ayaa la yimid wada shaqeyn ka balaaran maamuladii ka horeeyay, iyadoo maamulka Dowlada hoose ee Xamar ay noqotay meesha ugu mashquulka badan ka soo muuqday nidaam iyo heykal dowladeed, sidoo kale waxaa bilowday isla xisaabtan dhab ah oo shaqaalaha lagu ilaalinaayey shaqadooda iyo xuquuqdooda gaar ahaaneed, waxaana markii ugu horeysay kaddib burburkii Dowladdii Milateriga ay noqotay in gelinka dambe shaqada lagu gaaro dhamaan shaqaalaha heerarkooda kala duwan.

Dhalinyarada oo maanta dalka ka ah in ka badan 70% fursadihii ugu balaarnaa abid ka helay maamulka gobolka Banaadir, iyadoo dhalinyaro heerar kala duwan oo waxbarasho soo maray ay ka mid noqdeen shaqaalaha joogtada ee Gobolka Banaadir, waxaalagu kala xulay aqoontooda tani ayaa aheyd toosh u daarnay aqoonta iyo in la xusho dadka ehelka u ah oo uu meesha ka baxay nin jecleysigii muddo halakeeyey nidaamka shaqaaleynta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa taariikh cusub dhigay markii ugu horeysay inuu la meel noqdo madaxda maamul goboleedyada, kaddib markii uu ka soo muuqday shirkii madaxweynayaasha Maamul goboleedyada dalka ay la lahaayeen madaxda dowladda Federaalka.

Guddoomiye Taabid ayaa shirkaas ku matalay gobolka Banaadir, isagoo waliba la heer ah Madaxweynaasha kale, waxay tan yididiilo cusub u noqotay maqaamkii Muqdishu uu dib u muuqdo waxayna dad badan qireen Guddoomiyaha da’da yare e Gobolka Banaadir uu taariikhda gobolka Baal dahab ka galay

Dad badan oo odorasa siyaasada dalka ayaa carabka ku adkeeyey in Muqdisho ay maanta heyso Nidaamkii dowliga ahaa ee ay muddo sugeysay, isla markaana qiray in Maqaamkii Muqdisho uu dhow yahay inuu soo muuqdo, lana heer noqon doono magaalooyin badan oo caalamka ah isla markaana Maqaam u gaar ah lagu maamulo

MUQDISHU WAY DHALATAY DHALIIL LA;AANEE DHAMMOW ADNA KAALINTAADA KA SOO DHALAAL.

Comments