Ciidamada dowladda oo baaraya gaadiidka AMISOM [Akhriso]

55

Mogadishu (Midnimo)-Ciidamada dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan ciidanka ku sugan xayndaabka Madaxtooyada Somaliya ayaa bilaabay inay hubiyaan gaadiidka Amisom ee maraya wadada, marka ay soo gaaraan Koontaroolka ciidanka ay joogaan.

Sheekada ku saabsan in ciidamada dowladda ay hubiyaan gaadiidka Amisom waxa ay ka dambeysay, kadib markii maalmahan dambe Magaalada si wayn looga hadal haayay suurtagalnimada in gaadiid Amisom ay leeyihiin weeraro loo adeegsado.

Al Shabaab ayaa horay waxa ay u qabsadeen gaadiid ay leeyihiin ciidanka Amisom, waxaana maalmahan dambe aad u soo xoogeysanaayay warar ku saabsan in Shabaab weeraro qorsheysan ay u adeegsan rabaan gaadiidka Amisom ee horay ay u qabsadeen.

Ciidamada Militariga ee ku sugan Koontaroolka tiyaatarka, ayaa maanta celiyay gaadiidka Amisom, waxaana ay ku amreen wadaha gaariga inuu soo dago, kadibna uu keeno aqoonsi muujinaayo in gaadiidkaan ay yihiin kuwa Amisom.

Wadihii gaariga Amisom ayaa ka soo dagay gaariga, wuxuuna tusay aqoonsigiisa askariga Militariga Madaxtooyada ka tirsan, kadibna sidaasi ayaa lagu fasaxay gaadiidka Amisom.

Feejignaan badan ayaa ka jirta Magaalada Muqdisho oo la xiriirta dhanka ammaanka, waxaana si wayn Magaalada looga baqayaa inay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Comments