Shaqsiyaadka loogu hadal heynta badan yahay xilalka booliska & NISA

99

Mogadishu (Midnimo)-Kadib markii golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay ay xilka ka qaadeen taliyaasha nabad sugida iyo booliska ayaa waxaa jiro shaqsiyaad badan oo xilalkaasi doonaya.

Shaqsiyaad horey xilal kala duwan kaga soo qabtay dowladda Soomaaliya gaar ahaan laamaha amaanka ayaa doonaya markale inay xilalkaasi qabtaan, waana kuwa loogu hadal heynta badan yahay.

Taliyaha ciidamada NISA ayaa loogu hadal heyn badan yahay in loo dhiibayo C/raxmaan Tuuryare oo horey xilkaasi usoo qabtay.

Taliyaha ciidamada Booliska ayaa loogu hadal heyn badan yahay Gen Bashiir Goobe oo hadda ah lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya.

Warar kale ayaa sheegaya in shaqsiyaad cusub la doonayo in loo dhiibo xilka ciidamada Booliska iyo NISA, walow ay wali socdaan latashiyo badan oo dhankaasi ku aadan.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya lala damacsan yahay C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo horey xilkaasi usoo qabtay xiligii xukuumadda Farmaajo.

La soco waxii kusoo kordhaa arimahaasi Insha allah.

Comments