Turkiga oo 450 qoryo casri ah ugu deeqday dowladda Soomaaliya

Mogadishu (Midnimo)- Dowladda Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday qoryo casri ah oo gaaraya inka badan 400 oo qori kuwaasi oo noocoodu yahay MPT-76.

Qoryahaan ayaa ah kuwo casri ah oo dowladda Turkiga ay u adeegsato la dagaalanka waxay ugu yeereen argagixisada, waxaana la doonayaa in dowladda Somaaliya ay kula dagaalanto Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis ka saxiixatay dowladda Turkiga kaasi oo dhigaya in ciidamada SOomaaliya lagu tababaro dalka Soomaaliya lana qalabeeyo.

Qoriga MPT-76 ayaa waxaa ku hubeysan ciidamada ilaaliya Madaxtooyada Turkiga, waa qori casri ah oo ay xilligan xiiseynayaan inay iibsadaan dalal uu ka mid yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiga.

Qorigan ayaa culeyskiisu yahay 4.1KG, waxaa uu wax ka dili karaa masaafo dhan 600m, waxaa uu dhirirkiisu yahay 9mm, waxaana halkii daqiiqo ka dhaca 650 xabo.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.