Madaxweynaha Hirshabeelle Shaqada laga doonayo & Midduu ku mashquulay

86

Mogadishu (Midnimo)- Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la doortay kadib markii baarlamaanka ay codka kalsoonida kala laabteen Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa hortaalo shaqooyin badan oo laga doonayo inuu qabto.

Maxamed Cabdi Waare, waxaa uu doorashadiisii ka hor balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono dib u dhiska goobaha soo celinayo bilicda magaalada Jowhar iyo magaalooyin kale ee Hirshabeelle.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn doono isku furida wadooyinka kala xiran ee ku yaala deegaanada Hirshabeelle.

Waare, ayaa magaalada Jowhar geeyay madax kala duwan oo ka qeyb gashay caleemo saarkiisii, waxaana madaxddii halkaasi tagtay ay kula dardaarmeen inuu wax badan ka badalaa bilicda magaalada iyo horumarka magaalada maadaama ay caasimad u tahay.

Axmed Madoobe ayaa kamid ahaa madaxdii sida dhabta ah ula hadlay una sheegay in sanad kadib marka ay ku laabanayaan magaalada Jowhar iyo Waare ay ka doonayaan magaalada Jowhar oo horumar gaartay,

Dhismayaasha magaalada ayaa aad hoos u dhacay sanadihii u dambeeyay, baarlamaanka ma lahan xarun ay ku shiraan , isagana wuxuu degen yahay dhismaha Hay’adda Cefa oo beeraha qaabilsaneyd.

WUxuu hadda isaga ku mashquulay arimo siyaasadeed iyo la safashada dhinacyada mucaaradsan dowladda Soomaaliya.

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa laga doonayaa inay la xisaabtamaan madaxweynaha ay doorteen, maadaama hortooda uu balanqaadyo badan ka sameeyay ka hor inta aan la dooran.

Talaabada kaliya ee uu qaaday ilaa iyo hadda waxaa ugu horeeyo dhagax dhiga dhismaha wado Jaay ah oo xiriirineysa Muqdisho iyo Warsheikh.

La soco warbixino la xiriira Hirshabeelle.

Waare

Comments