Guddiga difaaca oo kulan amni Muqdisho ku yeeshay

Mogadishu (Midnimo)- Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen xaalada ammaan ee dalka.

Kulankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya maanta ay guddoonka Golaha shacabka ku wareejiyeen Mooshin la xiriira xaaladda amni ee dalka oo sii xumaaneysa.

Kulanka Guddiyada Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka ee galabta ka dooday mooshinka maanta ay ku wareejiyeen Xildhibaannada ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Guddiyada Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in galabta ay iska xog wareysteen arrimaha amniga, maalmaha soo socdana ay horgeyn doonaan Baarlamaanka.

Mooshinkan waxaa uu imanayaa iyada oo shalay Golaha wasiirrada Soomaaliya ay xilkii ka qaadeen Taliyayaashii Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya kaddib weerarkii Sabtigii ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.