Shirka Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda oo Muqdisho ka furmaya

Mogadishu (Midnimo)- Waxaa lagu waddaa Magaalada Muqdisho in uu maanta ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa horay waxaa u shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxaana lagu wadday in uu furmo shalay,inkastoo uu dib u dhacay oo maanta lagu balamay.

Waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan dhammaan Madaxda maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saari doonaa Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.