Guddoomiye Taabid oo ka xumaaday weerarkii shalay Muqdisho ka dhacay

Mogadishu (Midnimo)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in markaste Musiibo ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee degmada Xamar weyne uu ahaa Mid aan la aqbali karin .

Waxaa uu xusay in Musiibooyinka ka taagan Magaalada Muqdisho looga hortagikaro in qof walba uu qabsado shaqadiisa, islamarkaana si sax ah u guto waajibaadka saaran.

“Lama aqbali karo in labo isbuuc gudahood musiibo kale nagu dhacdo, waa in si dhab la iskula xisaabtanaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

14-kii Bishaan ayaa Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacay Qarax aad weyn oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400 oo qof, waxaana sidoo kale shalay Qaraxyo iyo weerar lagu qaaday Hoteelka Naasa Hablood 2.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.