Seddex kamid ah dadkii weeraray Naasa Hablood oo la qabtay

Mogadishu (Midnimo)- Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen 3 ka mid ah raggii Weeraray Hoteelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan raggaasi,islamarkaana ay ku waddaan baaritaano.

Cabdicasiis Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale tilmaamay in ragga Weerarka soo qaaday ay dhamaayeen 5, labo ka mid ahna la toogtay.

Waxaa uu xusay in wali ay socdaan howlaha badbaadinta,islamarkaana xalay lasoo badbaadiyay Shacab iyo Mas’uuliyiin.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.