Ciidamada NISA oo baadi goobaya haweeney Muqdisho degen

Mogadishu (Midnimo)  Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxay magaalada ka baadigoobayan haweeney la rumeysan yahay in ay ka tirsan tahay Ururka Al Shabaab.

Haweeneydan, ayaa ah middii u dhexday nin hal habeen ka hor ku dhintay qarax xoogan oo laga dhex maqlay guri ku yaala xaafadda Burka Diikow oo ka tirsan Waaxda Nageyleh ee Degmada Kaaraan.

Qaraxan, ayaa waxaa sidoo kale ku dhimatay gabar laba sano jir ahayd oo ay dhalleen lamaanahan, waxaana ku dhaawacmay nin dhalinyaro ahaa, oo hal qol ka deganaa gurigaasi.

Haweeneydan, ayaa ka carartay hoygaasi, ka dib markii uu qaraxan dhacay, iyadoo aan illaa iyo hadda la garanayn halka ay jaan iyo cirib-ba dhigtay, balse xoggo laga helay qoyskeeda, ayaa looga baadigoobaya Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Degmada Kaaraan, Saalax Maxamed Muuse, ayaa xaqiijiyay haweeneydaasi in ay ka carartay guriga, ka dib wixii ka dambeeyay qaraxaasi.

Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa laga soo xigtay in la ballaariyay hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan Caasimadda Muqdisho, ee ujeedkiisu yahay in lagu soo xiro haweeneydan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa xaqiijinaya in haweeneydaasi ay guriga ka carartay, iyadoo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi. Goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, ayaa la siiyay digniino ku aadan haweeneydaasi, haddii dhaawaceedu arkaan in ay soo sheegaan.

Saraakiisha laamaha ammaanka, ayaa hadda su’aalo weydiinaya ninkii dhalinyarada ahaa ee guriga la deganaa lamaanahaasi, kuna dhaawacmay qaraxii fashilmay ee hoygaasi lagu diyaarinayay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.