Wararkii u dambeeyay dagaaladii ka dhacay gobolka Mudug

Mogadishu (Midnimo)  Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay sheegayan in dagaal culus uu ka dhacay Bariga Gobolka Mudug, iyadoo uu u dhaxeeyo Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan oo ay qayb ka yihiin gaadiidka dagaalka, ayaa ka soconaya Cali Waal, Godad iyo Gacmafuule, iyadoona uu saamayn ku yeeshay dadka ku dhaqan deegaanadaasi.

Wariye-yaasha Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay soo sheegayan in dagaalka maanta uu ka duwan yahay dagaalada soo noq noqday ee labada dhinac billihii ugu dambeeyay ku dhex maraayay Gobolkaasi Mudug.

Wariye-yaasha, ayaa sidoo kale ku soo waramaya in baaxadda dagaalkani laga dareemay Magaalada Bulshada, ayna hadal hayaan bulshada ku kala dhaqan Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo, oo labada maamul ay ka kala arrimiyan.

Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in Magaalada Gaalkacyo ay ka dhaqaaqeen gurmad labada dhinac kala taabacsan.

Dadka reer Gaalkacyo, ayaa walaac ka muujinaya dagaalka culus ee Maamulada Galmudug & Puntland ku dhex maraya Bariga Gobolka Mudug, waxayna dadku ka baqdin qabaan in dagaal uu ka qarxo magaalada.

Puntland iyo Galmudug, ayaan weli ka hadlin dagaalka labada dhinac ku dhex maraya deegaano dhanka bari kaga toosan Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa aad u adag in faah faahin laga helo khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama uu weli ka sii soconayo Deegaanada Gacmafuule, Cali Waal & Godad.

Magaalada Gaalkacyo

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.