Abwaan Cabdulle Raage Gabaygii Wejigabax ,Wuxuu U Tiriyaay xaaskiisa

Mogadishu (Midnimo)  Abwaan Cabdulle Raage Gabaygii Wejigabax ,Wuxuu U Tiriyaay xaaskiisa labaad.

Taariikhdiis oo kooban Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdulle Raage Warsame Taraawiil, waxa uu ku dhashay duleedka Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sanadku markuu ahaa 1934-kii. Cabdulle Raage Warsame aabihiis Raage waxa uu ahaa afmaal deegaankii uu ku dhaqnaa nabadoon u ah, tirinta ereyo suugaaneedkana aad ayaa loogu texgelin jiray.

Daawo:-

Intii uu yaraa Cabdulle Raage Warsame waxa uu isa saar saari jiray tixo suugaan ah, laakiin markii uu soo hano qaadey ayuu si weyn isugu taxaluujiyay suugaan tirinstiisa,waxaana lagu tiriyaa dadka fara ku tiriska ah ee iyadoo da’doodu ka hooseyso 15-jirka sida yaabka leh uga soo baxay goobaha la isugu yimaado.

Sanadkii 1943-kii ayuu Abwaan C/lle Raage si muuqata ugu soo biiray fanka, sidoo kale 1956-kii ayuu guursaday xaaskii ugu horeeyay markii ay mudo is qabeen kaddibna waxaa lagu xiray Degmada Ceelbuur ee isla Gobolka Galgaduud dabadeedna waxaa loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho si halkaasi Maxkamad loogu saaro, hase yeeshee waa la sii daayay kadib markii lagu waayay dembigii lagu soo eedeeyay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.