Sababaha Maamulada dalka u aqbaleen codsigii madaxweynaha [akhriso]

Mogadishu (Midnimo)  Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa sheegay dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb gali doonaan shirka casuumaada ah ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), kaasi oo 28-ka bishan ka furmaya Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa in Madaxda Federaalka iyo Dowladd goboleedyada marka ay isugu yimaadaan ay ka tashadaan dalka sidii loo xoreyn lahaa iyo wax walbo oo Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka kala tabanayaan.

Madaxweyne Gaas ayaa dhanka kale ku baaqay in la xoojiyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taasi oo meesha ka saareysa khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa sameystay Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada, waxaana Golahaasi oo Todobaadkan soo saaray war-murtiyeed kulul ay Dowladda u jeediyeen eedeyn kulul.

Sabaha keenay inay aqbalaan arintaan ayaa waxaa ugu horeeyo inay doonayaan in laga qanciyo tabashooyinka ay qabaan iyo inay sharuudaha waxyaabaha ay doonayaan horkeenaan dowladda Soomaaliya.

Khubadii Xasan Cali Kheyre oo ka jeediyay magaalada Jowhar ayaa u muuqatay mid wax badan ka badalay fikradii dowladda Soomaaliya ay ka heysatay maamul goboleedyada.

Madaxda Dowladd Goboleedyada
Madaxda Dowladd Goboleedyada

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.