R/W Kheyre Oo aadaya Dalkii uu qaraxa Soobe kaga baaqday

Mogadishu (Midnimo) Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta waxaa lagu wadaa in uu ka duulo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cade), isaga oo ku sii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaraha ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu maanta u duuli doono Turkiga, isaga oo halkaasi kula soo kulmaya Madaxda dalkaas ugu sareysa sida Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Binali Yildirim.

Khayre ayaa Madaxda Turkiga wuxuu kala hadli doonaa sida uu qorshaha yahay xiriira labada wadan, oo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, taageerada Soomaaliya ee Turkiga, iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Turkiga wuxuu booqan doonaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ee la geeyay dalkaasi, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 35 qof oo u badan Haween iyo caruur, isaga oo sidoo kale kulan la soo qaadan doona Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga.

Xasan Cali khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshihiisa wuxuu ahaa in Axadii ina dhaaftay oo 15-kii bishan ay ku beegneyd uu aado Turkiga, balse wuxuu u baaqday Musiibadii ka dhacday Zoobe maalinkii Sabidii.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.