Mareykanka oo dhibaatada Soomaaliya IGAD kala hadlay

Mogadishu (Midnimo) Dowladda Mareykanka ayaa ammaanka Soomaaliya ayaa kala hadashay Urur goboleedka IGAD ka dib shir ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Mareykanka waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si weyn loo taageero dowladda Soomaaliya ,oo xilliggaan la kulmaysa Caddaadis ka imaanaya dagaalyahanada Al-Shabaab.

Safiirka  Maraykanka u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey , Nikki Hale ayaa kulan looga hadlaayay Ammaanka Soomaaliya la qaadatay Madax ka tirsan IGAD iyo sidoo kale Midowga Afrika.

Waxa ay sheegtay in Midowga Afrika laga doonaayo in ay garab istaagan dowladda Soomaaliya,islamarkaana la xoojinaayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna Madaxa Urur goboleed IGAD ayaa dhankiisa sheegay in dowladaha gobolka ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagu jira Al-Shabaab .

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha si weyn u taageera Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya Xilli shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gaaray  dalka Itoobiya,islamarkaana Mas’uuliyiinta dalkaasi uu ka codsaday in laga taageero dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladaha Caalamka ayaa waxaa dareen geliyay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii Bishaan kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 400  sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ku dhow 300 oo qof.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.