Horumarinta Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya

214

Mugadishu (Midnimo) Waxaa Soomaaliya ka muuqata maanta yididiilo iyo in aan ka soo kabsaneyno burburkii baahsanaa ee dalkeenu ku jiray mudo ku dhow 27 sano.

Yididiiladaan wanaagsan Allah oo keli ah ayaa mahadeeda iska leh, kaas oo ummada Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyadooda haleelsiiyay in ay iska soo xulaan baarlamaan tayo leh isla markaana doortay Madaxweyne Farmaajo oo ay ka muuqato daacad nimo, ummad iyo dal jacayl isla markaana soo xushay Ra’iisul wasaare wadani ah, daacad ah, yaqaana shaqadiisa. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxaa uu isaguna soo xushay wasiiro intooda badan ka adag shaqadooda, hawl karo ah, isla markaana dhibaato faro badan iyo dhaqaalo daro ayadoo jirto har iyo habeen u taagan shaqadooda.

Intaas oo dadaal ah kana soo bilaabatay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan madaxdooda waxaa ay muujinaysaa in aan Ummad Soomaali ahaan noqonay dad u bisil maamul wanaag. Waxaan Allah weydiisaneynaa cid walba oo rabta wanaaga ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in uu garabkooda galo, una sahlo in ay wanaagaas mirihiisa gurtaan. Cid kasta oo xumaan, dulinimo, caqiibileysi, magac daro, iyo diin daro la dooneysa Ummada Soomaaliyeed in Allah uu garabkooda ka baxo uuna ayaga duliga dusha ka saaro. Waxaan Allah weydiisaneynaa in Madaxda Soomaaliyeed uu noo xifdiyo, la taliya yaashoodana ka dhigo kuwa kula taliya khayrka, wanaaga, isku soo dhowaanshaha, iyo mideynta Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto. Waxaan Allah u weydiineynaa in Madaxda Soomaaliyeed oo naftood hurayaasha ah reerahooda iyo carruutooda ay qaarkood uga soo tageen wadamo shisheeye in Allah u xifdiyo, una barakeeyo, ayna noqdaan kuwo markay dunidaan ka tagaan loogu soo duceeyo wanaagii ay dalkooda u horseedeen. Aameen.

Intaas maadaama la helay, waxaa moodaa in dawladaan ay horkacayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ay ka go’an tahay la dagaalanka musuq maasuqa. Horumar waxaa asal u ah in la la dagaalamo musuq maasuqa, dadku ay helaan cadaalad, isla markaana ay dareemaan in ay wax ku leeyihiin dalkooda, isla markaana wixii ay gashadaan dalkooda iyo wax soo saarkooda ay u madax banaanyihiin.

Hadaba maadaama madaxdii Soomaaliyeed ay ka go’antahay wax qabad, cadaalad, iyo musuqa oo la la dagaalamo, maxaa kale oo loo baahanyahay si loo gaaro horumar waara?

Waxaa ugu horeeya:

  1. Xoojinta cadaalada iyo la dagaalanka musuq maasuqa: Waa in loo soo jeedaa habeen iyo dharaar sidii loogaga hortagi lahaa musuq maasuqa iyo in xaq daro lagu cuno waxa ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed. Waa in la wacyi geliyaa bulshada in aysan bixin, qaadan, taakuleyn wax haba yaraatee sahlaya musuq maasuqa. Waa in la yareeyaa ilaha musuqmaasugu ka dhalan karo oo la isticmaalo technology ga sida in shaqada iyo wax walba oo dawlada lacag ay qaadaneyso laga dhigo mid electronic ah (E-Government). In la sameeyo nidaam ku dhisan isla xisaabtan iyo is raad raac maamulan. In si sir ah loogu kuurgalo meelaha ay dhici karto in xoolaha dawlada lagu lunsado sida wasaaradaha, dekedaha iyo gegida dayuuradaha, xuduudaha, hay’adaha khayriga ah, mashaariicda dawlada, iyo shirkadaha ka shaqeeya ilaha dhaqaalaha. In la sameeyo garsoor cadaalad ku dhisan isla markaana si cad oo siman loogu qaado cidii lagu soo qabto ayadoo qaadaneysa, gargaareysa ama bixineysa laaluush ama ku shaqeyneysa qabyaalad qoys ama reer.
  2. In dawladu ay dajiso nidaamka dhaqaalaha ee shaqa abuurka iyo horumarinta dalka ayada oo halbeegeedu yahay sadexda udub ee wax soo saarka Soomaaliya kuwaas oo ah Xoolaha, Beeraha iyo Kaluumeysiga.
  3. In la dhiso wadooyin waa weyn oo wadanka oo dhan isku xiraaya. Waa in ay jiraan wadooyin taga magaalo kasta iyo xeeb kasta oo khayraadka dalka laga dhoofin karo. Waa in wadanka wadooyin looga dhigaa sida shabaqa (shabakad) oo kale si xiriirka dhaqalaha dalka gudihiisa iyo xiriirka dadku intuba iskugu xirmaan. Waa in wadooyinkaas la raaciya korontadii iyo weliba isgaarsiinta (Fiber) si ganacsi wanaagsan uu halkaa uga hir galo.
  4. In xoog la saaro habaynta, tayo u yeelida iyo mideynta waxbarashada dalka oo idil. Waa in xooga la saaro sidii waxbarashada ilaa dugsiga sare loo gaarsiin lahaa meel aad u sareysa isla markaana loo sahlo in arday kasta oo Soomaaliyeed uu waxbarasho ilaa dugsi sare uu fursad u helo. Waa in Jaamacadaha, iskuulada farsamada la horumariyaa waxbarashadana laga dhigaa mid ku salaysan khayraadka iyo wax soo saarka dalka soomaaliyeed. Waa in la helaa iskuulo gaar ah oo lagu barto beeraha, kaluumeysiga iyo xoolaha iyo wixii la xiriira sida qalabka looga shaqeeyo oo kale.
  5. In la horumariyo ilaha wax soo saarka dalka Soomaaliya sida Beeraha, Kaluumeysiga iyo xoolaha intaba. Waa in aan lagu ekaanin in la dhoofiyo xoolaha iyo waxa ka soo baxa beeraha ayagoo Ceeriin ah(Kheeriin) oo sidooda ah. Laakiin waa in wax soo saarkooda la kobciyaa. Waa in xoolaha lagu qalaa dalka gudihiisa, waa in haraga lagu nadaamiyaa dalka gudihiisa, waa in xoolaha qaybahooda hilibka midba meesha uu suuqiisu ku fiicanyahay loo dhoofiyaa. Waxaa laga yaabaa in hilibka guud Sacuudigu ugu suuq fiicanyahay, waxaa laga yaabaa in caloosha iyo xiidmaha suuqa Thailand ay ugu fiicantahay, waxaa laga yaabaa in majaha iyo madaxa Nigeria iyo Afrikada galbeed ugu fiicantahay, waxaa laga yaabaa in haraga shiinuhu ugu fiicanyahay. 

    Waa in aan si dhaqso badan uga gudubno dhoofinta xoolaha nool, kaluunka iyo waxa beeraha ka soo baxa ayagoo sidooda ah oo aan uga gudubnaa warshadeynta iyo qaabeyenta qayraadkaan si loo kobciyo ganacsatada Soomaaliyeed, shaqana loogu helo dhalinyarada faraha badan ee jaamacadaha ka soo baxay, kana soo bixi doona berito. Dawlada oo kaliya in shaqo loo doonto waa arin aan sax ahayn, waayo dawladu ganacsi malaha ee ganacsatada iyo shaqaalaha ayay daqligeeda ka heshaa. Marka waa in ay ku dadaashaa dhisida iyo caawinta ganacsatada iyo in ay shaqo abuuraan si dawladu u hesho daqli ay ku fuliso arimaha bulshada ee loogaga baahanyahay.

Sidoo kale waa in la horumariyaa khayraadka beeraha, sida Sisinta oo kale laga fakiraa sidee ugu wanaagsan ee aan uugaga faa iideyn karnaa dalkeena soomaaliyeed. Waxaa laga yaabaa in marka la nadiifiyo, oo galka laga qaado loo dhoofiyo dalalka sameeya Tahinaha sida Jordan oo kale, waxaa laga yaabaa qaar inta si gaar ah loo dubo laga sameeyo saliid Shiinaha oo kaliya laga isticmaalo. Waxaa laga yaabaa qaar inta marka la beeraayo laga daayo daawada loo dhoofiyo ayadoo organic ah dalalka reer galbeedka. Waa in aan isweydiino sidee shay kasta oo ka soo baxa dalkeena aan tayadiisa iyo lacagta ka soo baxda kor ugu qaadnaa. Markii shayga la warshadeeyo waxaa ka macaashaya dalka lagu warshadeeyey intiisa badan, laakiin wadankii ceeriinka laga keenay faa iido badan kama helaayo.

Waa in aan sidaa khayraadka beeraha shay walbaa uga fikirno sidee ugu haboon. Waa in aan isweydiinaa khayraad badan oo aan weligeen si soo jireen ah u soo saari jirney sida mooska oo kale, wax kale oo ka haboon ma loo isticmaali karaa dhulkaas mooska kaliya lagu abuuro. Maxaa kale oo mooska ka qaymo badan oo ka bixi kara meeshaas? Waayo mooska wax badan lama kaydin karo, biyo farobadan ayuu rabaa, wuxuu rabaa wadooyin hagaagsan si uu dhaawac u gaarin. Waa in aan isweydiino war maxaa kale oo meeshaan lagu beeri karaa oo ka fiican mooska.

Kaluumeysiga laftigiisa waa in aan sidaa iyo si lamid ah u qaabeyno. Waa in aan anagu hagaajinaa kaluunka, gasacadeynaa isla markaana sameysanaa warshadihii gasaca sameynaayey, doomihii kaluumeysiga, meeshii kaluunka lagu nadiifinaayey. Warshadihii qashinka kaluunka ka soo hara ka sameynaayey cuntada xayawaanka, sida cuntada bisadaha (mukulaalaha), eyda, iyo cuntada digaaga iyo wixii la hal maala. Waa in aan horumarinta kaluumeysiga la kaashanaa wadamada aad ugu horeeya kaluumeysiga iyo weliba isticmaalkiisa sida dalka Japan oo kale.

  1. In laga ilaaliyo in dhaqaalaha ay hal shirkad oo weyn ama ajnabi ah ay afka ku shubato. Waa in la sameeyaa iskaashatooyin madax banaan si dhaqaalaha dalka iyo dadka oo dhan uga faa iideystaan. Waa in la sameeyaa iskaashatooyin kaluumeysiga, kuwaas oo soo jilaabta kaluunka isla markaana qiimaha suuqa kaga iibshaan shirkad guud oo halkaas kaluunkii isku shaandheysa isla markaana habeysa (process gareysa) oo aduunka u suuq geysa. Waa in sidaa si la mid ah laga dhigaa xoolaha, iyo waxa ka soo baxa beeraha intaba. Waa in ay jiraan iskaashatooyinka liin dhanaanta, kuwa galeyda, kuwa sisinta, kuwa lawska, kuwa digirta, kuwa bariiska, iskaashato ariga, iyo wixii la mid ah. Dawladu waa in ay ka caawisaa xaga tayada iyo waxbarashada, iyo weliba in ay deymiso qalabkii ay u baahnaayeen iskaashatooyinkaas ayadoo garabsaneysa ganacsatada iyo bangiga aduunka.

 

  1. In la gaarsiiyo caafimaadka guud dadka iyo dalka oo idil. Waa in ay hooyo kastaa heshaa isbitaal ay ku dhali karto ayada oo ka baqeyn in ayada iyo ilmaheeda ay isla geeriyoodaan daryeel xumo awgeeda. Waa in haddii dhaqaatiir la gaarsiin waayo meel walba, la gaarsiiyo kalkaaliso tababaran iyo teknoolajiyad ay kula soo xiriiri karto dhakhtarka ugu dhow meeshaas ay joogto. Waa in la helaa talaalka kaas oo sahli doona in la joojiyo cuduro dunida ka idlaaday maanta laakiin dhalaanka Soomaaliyeed ay weli u la’daan maanta. Waa in dadka caafimaadka iyo xaga nadaafada lagu wacyi geliyaa si looga hortago cuduro ka hortagooda uu aad iyo aad u sahlan yahay.
  2. In la soo jiito dalkana lagu soo celiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee dibada wax ku baratay isla markaana loo baahanyahay xirfadahooda, ayada oo loo adeegsanayo in lagu tayeeyo, laguna kobciyo wax qabadka kuwa gudaha dalka wax ku bartay.
  3. In shirkadaha ajaanibta ah ee ku horumaray wax soo saarka khayraadka xoolaha, badda iyo beeraha laga gado qayb shirkadaha wax soo saarka si ay ugu soo biiriyaan khibradooda. Waxaa kale oo shirkadahaan looga faa iidaysan karaa xaga suuqa ay dunida ku leeyihiin iyo weliba maamulka casriga ah ee dunida. Laakiin waa in aysan shirkadahani noqon kuwo ayagu saydareeya ama maquuniya shirkada oo dhan ee ay noqdaan kuwo qayb ku leh shirkada (In aan ka badneyn boqolkiiba 25%).
  4. Waa in la sameeya suuq shirkadaha saamigooda lagu kala iibsado, si shirkadii u baahata lacag ogolna xeerka wax qaybsiga shirkadaha (Stock Market) ay ku hesho lacagtaas si sahlan. Waa in la habeeyaa shuurcda maamulka, xisaabaadka(Accounting) iyo weliba sheegida faa iidada iyo khasaaraha shirkadaha ka dhexeeya dadka iyo ganacsatada ee aan sida gaarka ah loo lahayn (Reporting earnings, profits, assets, liabilities etc).
  5. In laga ilaaliyo hay’adaha khayraadka bixiyaa in ay ku tuntaan ama wax yeeleeyaan wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo kan badda ayag oo keenaya wax yaabahaas dalka ka soo baxay si ay ugu wiiqaan horumarka dalka iyo ganacsada Soomaaliyeed. Waa in xataa haddii laga fursan waayo in shay la keeno dalka, lagu qasbaa in ay ka gataan iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee aysan ayagu meeshay rabaan ka keenin ama ka soo gadin.

Waxaa qoray: Cali Cusmaan oo ah qoraa Soomaaliyeed oo ku nool dalka marykanka. Waxaa lagala xiriiri karaa ccusmaan@gmail.com

Comments