Maxaa Baajiyay kulankii Farmaajo & Labada aqal ee baarlamaanka ?

Mogadishu (Midnimo) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa inuu baaqdo kulan dhexmari lahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka.

Warar ay heshay warbaahinta Midnimo ayaa muujinaya in xildhibaano ay talooyin siiyeen madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan inuu kulankaasi baajiyo.

Sidoo kale siyaasiyiin ayaa kula taliyay madaxweynaha in xiligan uusan xaalad deg deg ah uusan gelin dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya uu kulamo kala duwan lasoo qaato, waxaana markii ugu horeysay uu tagayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Sidoo kale wuxuu tagayaa Jabuuti iyo Addis Ababa isaga oo kala hadli doono sidii ciidamada ka joogo Soomaaliya ay dagaal diyaar ugu noqon lahaayeen.

Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya yeelanaya hadda kulamadooda caadiga ahaa.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.