Farmaajo oo booqanayo sedex dal oo Africa ku yaala

Mogadishu (Midnimo) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan ku dhawaaqay dagaal ayaa lagu waddaa in uu booqasho ku taggo dalal ku yaalla qaaradda Afrika si uu uga codsado in ay ku taageeraan dagaalkaasi.

Dalalka uu booqan doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Uganda, Jabuuti iyo Itoobiya.

Safarkiisa ugu horeeya ayuu ku tagaya Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Safarka Labaad ayuu ku tagaya Madaxweyne Farmaajo dalka Jabuuti,halka kan saddexaadna uu ku tagaayo dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa dalalkaasi ka codsan doona taageero Millatariga Maadaama uu ku dhawaaqay in dalka uu galay Xaalad dagaal.

Dhawaan ayay aheyd Markii Madaxda dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in dalka uu galay Xaalad dagaal,islamarkaana laga shaqeyn doono sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.