Dowladda oo soo bandhigeysa dadka loo hayo weerarkii Soobe

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad loo xiray Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Hay’addaha Amniga ay hayaan xog ku saabsan Qaraxii Zoobe, islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan.

Islow ayaa la xaqiijiyay in xubno lagu tuhmaayo Qaraxaasi ay ku jiraan gacanta Hay’addaha Ammaanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wali ay socdaan baaritaanada Qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee Zoobe.

Dowladda Soomaaliya oo xalay soo bandhigtay xogta Qaraxa ayaa sheegtay qaraxa guud ahaan inuu waxyeeleeyay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof.

Security minister of Somalia Mohamed Abukar (Ducaale)

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.