Madaxweyne Gaas oo dowladda weeraray

Mogadishu (Midnimo) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ee dhawaan lagu sameeyay Magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in dalka intiisa badan ay gacanta ku hayaan maamul goboleedyadda dalka ka jira, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ilaaliyaan danahooda.

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay bilowday in ay burburiso maamulada dalka ka jira oo ay rabto in ay badesh hogaamiyeyaashooda dowlad goboleedyadda qaarkood.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dastuurka Soomaaliya uu leeyahay laba heer dowladeed oo ah dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay ku kooban tahay Xamar.

War maanta kasoo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa eedeeyn loogu jeediyay dowladda Dhexe.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.