Shacabka Muqadishu oo arin muhiim ah ku baraarugay qaraxii Zoobe kadib

Shacabka ku nool Magaalada Muqadishu ayaa ka feejigan gaadiidka xamuulka ah ee dhexmara Magaalada gudaheeda, wixii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee lagu xasuuqay maati Somaliyed.

Feejignaanta ugu badan dadka ay dareemayan ayaa ku aadan in mar kale gaadiid xamuul ah oo qaraxyo laga soo buuxiyo ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, iyadoo si wayn cashar looga bartay dhacdadii masiibada aheyd ee ka dhacday Isgoyska Zoobe.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku sugan meelaha Dowladda ay ku badan tahay ayaa sheegaya haddii ay arkaan Baabuur ka wayn kuwa raaxadda oo ku soo dhawaada goobaha Dowladda ay degan tahay, sida Wasaaraddaha, xarumaha Ciidanka iyo goobaha kaleba dadka inay ka cararayaan.

Meelaha ugu badan ee gaadiidka xamuulka lagu arko ayaa waxaa ka mid ah Degmada Xamar Jajab oo ay ku taallo Dakadda wayn ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo gaadiidka xamuulka si wayn ay u isticmaalaan.

Qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa Midnimo.com u sheegay in dadka ay si wayn u hadal hayaan sheekooyinka la xiriira gaadiidka xamuulka ah ee Magaalada dhexmara.

“Gaari wayn nooca uu doono ha ahaadee markii laga isaga oo socda laamiga waa laga kacaa, kaaga sii daran marka aad u dhaw dahay xarumaha dowladda ama Koontaroolada ciidanka ay joogaan Baabuurtaan halistooda ayeey leeyihiin.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa loo adeegsaday gaari xamuul oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana lagu dilay dad gaaraya 300 oo ruux.

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay inay qorshe u sameynayso gaadiidka xamuulka ah ee Magaalada gudaheeda dhexmara, inkastoo illaa hadda aysan soo bandhigin Dowladda arrintaasi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.