Hilibka Jirka Bini’aadamka oo laga helay daarta ZOOBE

Weli waxaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ka socda gurmadka ku aadan Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay, waxaana maanta Daarta Zoobe laga soo saaray xubno jirka Bani’aadamka ah, sida Lugo, Gacmo iyo xubno kale.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen xubnahan in ay ka mid yihiin dadkii musiibada ay ku qabsatay isgoyska Zoobe, maadaama Qaraxa uu ahaa mid xoogan oo dad badan ay ku waxyeeloobeen.

Bahda Saxaafadda oo u kuurgelysay saameyntii ka dhalatay Qaraxii Zoobe ayaa maanta kormeer ku tagay Isgoyska Zoobe, halkaasi oo indha indheyn ay ku sameeyeen, iyo sida ay xaaladu tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo xubno kale ayaa maanta booqday Isgoyska Zoobe, oo lagu bilaabay saarida laami cusub.

Dhacdadii Zoobe ayaa ilaa hadda aad loo hadal hayaa, waxaanan jirin cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi, iyada oo ay ku dhinteen in ka badan 280 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 300 qof.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.