Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dhaawacyada Sudan ku dayacan

Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda laga soo sheegay Soomaalida dhaawaca ah ee Sudan ku sugan, kadib qoraal kooban oo uu soo dhigay Boggiisa Facebook.

Wuxuu sheegay Wasiir Yuusuf Garaad in la xaliyay intii badneynd cabashada dadkaasi ay qabeen Dowladda Soomaaliyana si dhaw ay ula socoto dhaq dhaqaaqa dadkaasi dhaawacyada kala duwan.

“Waxaan hadda sheegi karaa in inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen, inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad.

“Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum, Mahadi ha ka gaarto, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa.” Ayuu sidoo kale yiri Yuusuf Garaad.

Dhaawacyadii ugu dambeeyay ee xalay laga dejiyay dalka Suudaan ayaa waxaa ka geeryooday hal qof, kaasi oo ay la socoto xaaskiisa iyo canug yar oo Saddex sano jir ah, kadib markii ay wadnaha istaageen.

Dadkan oo qaarkood qaba dhaawacyo culus ayaa waxay Magaalada Khartoum gaareen gelinkii dambe ee Talaadadii, iyadoo ay Diyaarad Militari ka dejisay Garoon ay leeyihiin Ciidamada Sudan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.