Siyaabaha kala duwan ee looga hadlay halka loola danlahaa Qaraxii Zoobe [Akhriso]

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya oo ku aadan cidii ka dambeysay Qaraxii lagu hoobtay ee 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen Boqolaal dad ah.

Dowladaha Caalamka iyo Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa cambaareeyay Qaraxan, waxayna bilaabeen gurmadka kaga aadan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Dowladda Soomaaliya masuuliyiin u hadashay waxay Qaraxan ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, inkastoo Shabaabka weli aysan ka hadlin.

Qadar bayaan ay soo saartay waxay farta ku fiiqday Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay uga aar gudanayaan dhex dhexaadnimadii khilaafka khaliijka.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaaliya oo la hadlay VOA wuxuu sheegay Qaraxan in loola dan lahaa saldhiga Turkiga uu ka dhisay Muqdisho.

Wargeyska The Guardian oo warbixin ka qoray Qaraxii Zoobe isaga oo soo xiganaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda wuxuu sheegay Qaraxan in uu fuliyay Askari horey uga tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka, kaasi oo u aargudayay dadkii lagu laayay Bariire, bishii August ee sanadkan.

Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa ku baaqay falalka nuucaan oo kale ah in looga dambeeyo Hay’adaha baarista wada natiijada ay soo saaraan oo aan laga hordhicin, iyaga oo kaashanaya qubaro caalami ah.

W/D: Abdirashiid Ali Dubbad

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.