Halkuu ku wajahnaa gaariga qaraxa xoogan ka geystan Isgoyska ZOOBE ee Muqdisho

Wargeyska The Guardian ayaa qoray Qaraxii lagu hoobtay ee Sabtidii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho in uu ka dambeeyay Askari horey uga tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka.

Qaraxan ayaa ahaa mid jawaab u ah weerarkii Duqeynta loo adeegsaday ee 25-kii August ee sanadkan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay ka geysteen degaanka Bariire ayna ku dileen 10 qof oo rayid ah, sida uu qoray Wargeyska.

“Weerarkan waxa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qaado Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxana waday gaariga qarxay Askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada kaas oo ka soo jeeda degaanka Bariire.” Ayuu daabacay Wargeyska.

Sidoo kale Qaraxan oo warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan ayaa hadana Wargeyska wuxuu kaloo qoray weerarkan in loo adeegsaday laba Gaari oo midi Xamuul yahay, halka mid kalena uu ahaa Gaari NOAH, kaasi oo Ciidamada ammaanka ay ku qarxiyeen Agagaarka Ceel-qalow, kadib markii ay gacanta ku dhigeen ninkii waday.

“Gaariga yar waxaa la doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga galo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Medina Gate ka dibna Gaariga weyn uu wadada u furo si uu ugu qarxo gudaha ama afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha.”Ayuu qoray Wargeyska The Guardian.

Qaraxaan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay, balse Dowladda Soomaaliya iyo xeeldheerayaasha arrimaha Argagixisada ayaa rumeysan qaraxii Zoobe in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.