Guddoomiye Thaabid oo codsi u diray Soomaaliya iyo wadamada caalamka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dowladdaha Caalamka looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan Taageerada gurmadka ah oo ay soo gaarsiinayaan dadka dhibaateysan ee jiifa Isbitaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaalada gurmadka weli ay taagan tahay oo aysan dhammaan gurmadka ay u baahan yihiin dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Muqdisho 14-kii bishan.

Waxa uu xusay in ay muhim tahay in si dhaw loola socdo dadka dhibaateysan islamarkaana ay mar walbo helaan gurmad iyo taageero Caafimaad oo dibadda ah, isaga oo sidoo kale tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in walaalahooda ay soo caawiyaan oo aysan ka gaabin gurmadka ay u sameynayaan.

Dowladdaha Turkiga, Jabuuti, Mareykanka, Qadar iyo Kenya ayaa Soomaaliya u soo diray diyaarado gargaar Caafimaad sida iyo dhaqaatiir, waxaana dowladdahaasi qaarkood ay dalalkooda u qaadeen dhaawacyada halista ah ee jiifay isbitaalada Muqdisho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.