Taalooyin caalamka ku yaala oo loo damiyay musiibadii ee ka dhacday Muqdisho

Dalal badan oo caalamka ayaa taageero buuxdo u muujiyay shacabka Soomaaliyeed kadib qaraxii sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 300 oo ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda cidda ka dambeysa qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taalada caanka ay ku tahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa la damiyay xalay saq dhexe iyadoo loogu baroor diiqayay dhibaatada shacabka Soomaaliyeed kasoo gaartay weerarkii sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho,

Taalada Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sidoo kale lagu xardhay midabka baluuga ee calanka jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo loogu baroor diiqayay shacabka Soomaaliyeed.

Magaalooyin badan ayaa sidaasi oo kale dadka Soomaaliyeed loola qeybsaday dhibaatada soo gaartay.

Dalal badan oo caalamka ayaa musiibo qaran ku tilmaamay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.