Somalia: Meydad hor leh oo laga helay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho

60

Meydad Hor ayaa maanta laga helay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho halkaasoo  uu ka dhacay Qarax Xooggan 14-kii Bishaan.

Kudhawaad Afar qof ayaa Maanta laga soo bixiyay dhismeyaal Burburay iyo Gawaari.

Gaadiidka Gurmad deg deg ah ayaa wali shaqeynaya, waxaana socda howlaha samatabixinta.

Waxa ay wararku sheegayaan in ay suurtagal tahay in wali ay jiraan dad ku hoos jira dhismayeyaashii Burburay.Qaraxii  ka dhacay Muqdisho ayaa saameyn weyn ku yeeshay Isgoyska Soobe dadkii ku sugnaa iyo sido kale goobihii ganacsiga ee halkaasi ku yaallay.

Comments