Somalia: Wararkii ugu dambeeyay shirka ka furmayo magaalada Kismaayo

0
1

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in ay gaaraan Magaalada Kismaayo Wafdi ka socda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland.

Wafdigaan ayaa ka qeyb gali doona Shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo ee looga hadlaayo Siyaasadda maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sidoo kale lagu waddaa in maanta Magaalada Kismaayo ay gaaraan xubno ka socda beesha Caalamka.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda waxaa ku sugan Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.Shirka ayaa lagu waday in uu maanta Furmo, laakiin Jubbaland waxa ay sheegtay inuu u baaqday Cilad Farsamo.

Shirka ayaa lagu waddaa in uu Furmo maalmaha Isniinta iyo Taaladda Midkood.

Kismaayo oo Bandow lagu soo rogay
Kismaayo

Share Your Comments