Somalia: Ciidamada Kenya oo bilaabay qorshe ay kaga baxayaan Kismaayo

47

Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay markii ugu horeysay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay uga baxayan Magaalada Kismaayo.

Markab ku soo xirtay Dekeda Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa la soo sheegaya in xalay lagu raray qaar ka mid ah gawaarida gaashaaman ee Ciidanka Kenya, kuna buufsan astaanta Midowga Afrika ee AU.Markabkan, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu u amba baxay Magaalada Mombasa, iyadoona lagu wado in uu ku xirto Dekeda Mombasa, oo uu ku dejin doono gawaaridaasi.

Markab kale oo kuwa xamuulka ah, ayaa waxaa la fillaya in uu dhawaan ku soo xirto Dekeda Kismaayo, si uu uga daabulo gaadiid iyo qalab kale, oo ay haystaan Ciidanka Militariga Kenya.

Ciidanka Kenya, ayaa waxay qalabka ka qaadanayan Magaalada Kismaayo, xilli ay toddobaadyo ka hor bilaabeen qorshe u muuqdo, mid ay uga baxayan Gobolada Jubbada Hoose & Gedo.

Militariga Kenya, ayaa 20-kii bishii hore ee September ka baxay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo ay iminka wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku baneynayan goobo ay ka jooggan Gobolka Jubbada Hoose.

Arrinta hadalhaynta dhalisay, ayaa waxaa weeye waxa keenay in Ciidanka Kenya ay dalka kala baxaan qalabka ciidan ee Midowga Afrika, ee loogu talagalay la dagaalanka Ururka Al Shabaab, waxaana xusid mudan Ciidankii Sierra Leone ee dalka isaga baxay, inay ka taggeen qalabkii ay ku dagaalamayeen Al Shabaab.

INTERVENTION A BLUNDER? Kenya Defence Forces soldiers in Somalia on September 30, 2012
INTERVENTION A BLUNDER? Kenya Defence Forces soldiers in Somalia on September 30, 2012

Comments