Somalia: Shir looga hadlaayay kordhinta dagaalka Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

0
3

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Shir looga hadlaayo kordhinta dagaalka lagu jiro Al-Shabaab.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday ciidamada AMISOM, Wasiiro iyo Xildhibaano, waxaana furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay waxyaabihii ka dhaqan galay Shirkii London ee looga hadlaayay Arrimaha Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalka lagu jiro Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo warbaahinta la hadlay kulanka ka dib ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxyaabo badan ka qabatay dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay diyaar u tahay in wali Soomaaliya ay kala shaqeyso soo Afjarida dagaalka Al-Shabaab.

Share Your Comments