Somalia: Dowladda oo ka hadashay halka mareyso daabacaada lacagta Sh.Soomaaliga

0
2
C.raxmaan-Ducaale-Beyle

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha ay Dowladda wado oo ah soo daabicista lacago cusub.

Wasiirka ayaa sheeegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Bankiga Aduunka ay socdaan qorshe lacago cusub lagu soo daabacayo.

Waxa uu sheegay Wasiir Bayle in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay lacago cusub soo daabacdo islamarkaana ay ka shaqeynayaan hormarinta lacagahaasi, isaga oo sidoo kale tilmaamay in tirada lacagaha la soo daabacayo la isku afgartay balse ay socdaan qorshaha lagu daabici lahaa oo keliya.

“Waxa haray waxa weeye lacagtii, lacagtan lagu daabici lahaa oo aan lacag yar aheyn aya dhiman, taasina aad baan uga wada shaqeyneynaa World Bankiga, IMF iyo annaga.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Dowladda Federaalka ee Somaaliya xilligaan adag ee lagu jiro waxaa lagama maarmaan ah in dalka ay u sameyso lacago daboola baahida bulshadu u qabto fududeynta adeegyada ganacsiga.

C.raxmaan-Ducaale-Beyle

Share Your Comments