Somalia: Ciidamada Xasilinta oo gudaha u galay guryo ku yaala Xararyaale

47

Ciidamada Xasilinta Caasimadda, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gudaha u galeen guryo ku yaala xaafadaasi, ayna kala soo baxeen niman u badnaa dhalinyaro, kuwaa oo ay gaadiidka dagaalka ku kaxeysteen.

Dadka deegaanka, ayaa markeliya ku soo baraarugay ciidan fara-badan oo lagu soo daadiyay xaafadda Xararyaale, Suuqa Xararyaale illaa Isgoyska Filorenza, iyadoo ayna xireen wadooyinka soo gala.

Ciidamada, ayaa waxaa la sheegay inay gudaha u galeen guryo u muuqday in bartilmaameydkoodu uu ahaa, waana goobaha ay dhalinyarada kala soo baxeen.

Ma cadda waxa ay yihiin iyo weliba cidda ay ka tirsan yihiin ragga hawlgalkaasi lagu soo qab qabtay, balse waxaa loo maleynayaa in lala xiririinayo mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dilal iyo qaraxyo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.

Ciidamada amaanka Caasimadda

Comments