Somalia: Shirkada Favori oo hotel casri ah ka dhiseysa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

57

Shirkada gacanta ku heysta garoonka diyaaradaha ee Favori ayaa qorsheyneysa inay ka dhex sameyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho hotel caalami ah.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shirkada Favori ay iibsatay dhismaha terminal-kii hore ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo barxadda ku dhow, halkaasi oo la doonayo inay hotelka laga dhiso.

Buuq iyo is qab qabsi ka dhashay tallaabada ay Hotelka uga dhiseyso Shirkadda Favori ayaa waxaa soo fara geliyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi, waxaana la sheegay inuu difaacay in shirkadda ay hotelka ka dhisato Terminalki hore.

Dhismaha Hotelka ayaa durbaba la calmaadeeyay, iyadoo la geeyay alaabaha dhismaha Hotelka, waxaana halka laga dhisayo uu ku soo dhowaaday wadada aada dhanka Xalane iyo xarunta Saadaasha Hawada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan soo saaray amar lagu farayo dhamana hey’adaha degan hareeraha dhabaha diyaaradaha caga dhigtaan, oo dhismayaal kala duwan laga dhistay, waxaana qorshuhu yahay in garoonka uu noqdo meel ammaan ah.

Comments