“Sida maamulada u dhaqmayaan waa hogaamiye kooxeedyadii oo la casriyeeyay”

41

Qaar kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee bartay xiriirka caalamiga ayaa ka deyrinaya hanaanka ay dhaqmayaan maamul goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Dr. Axmed Maxamed Maxamuud oo bartay xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in maamul goboleedyada qaar ay horboodaan dowladda oo ay iloobaan shaqadooda rasmiga ah.

Waxa uu tilmaamay Dr. Axmed iney jiraan qodobo aan dowladda lala farogelin sida arrimaha dibadda, socdaalka, maaliyadda iyo difaaca qaranka.

Maamul goboleedyada jira ayuu ku sheegay in nidaamka ah hadda ku dhaqmayaan ay lamid tahay qaabkii hoggaamiye kooxeedyadii dalka oo la casriyeeyay.

Qaar kamid ah maamullada dalka ka jira ayaa kahor yimid go’aan ay dowladda dhexe ka gaartay xiisadda khaliijka.

Comments