Somalia: Rai’isal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxwaynaha Turkiga

43

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay magaalada New-York qaar kamid ah madaxda caalamka ee ka qayb galaya Shirka golaha guud ee QM.

Ra’isal wasaaraha oo kulan gaar ah la qaatay madaxwaynaha dalka Turkiga Rajad Tayib Ordegan ayaa uga mahad celiyay taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya, oo in muddo ah ka socoto Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba Iloobi doonto walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre mar uu la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.

Mudane Kheyre ayaa u sheegay madaxwaynaha Turkiga In Soomaaliya ay haatan soo kabanayso oo ay ka soo baxayso dhibaatadii ay ku jirtay, waxa uu si gaar ah hoosta uga xariiqay in ay u baahan yihiin in laga taageero kor u qaadida hay’adaha amniga, si looga hortago weerarada gudaha dalka ka dhaca.

Madaxwayne Erdogan ayaa hoota ka xariiqay in Soomaaliya ay gaartay hormar la taaban karo ayna u baahan tahay in la sii garab istaago.

Dowladda Turkiga ayaa tilmaamtay in dhinaceeda ay ka go’an tahay taageerada iyo gar istaaga Soomaaliya, ayna sii wadi doonan.

Comments