Wareegto: Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday

421

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim. Islamarkaasna Cali Jeyte Cismaan loo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan.

Magacaabista Cali Jeyte ayaa noqonaysa mid la mid ah wadadii uu hore u maray Madaxweynihii kalsoonida lagala noqday Cali Cabdulaahi Cosoble oo wareegtadii ugu horeysay ku magacaabay Cali Jeyte Cismaan xilkana ugaga qaaday Yuusuf Axmed Hagar 26kii bishii Oktoobar 2016,wareegtada ugu horeysa oo uu soo saaray Madaxweyne Waare ayaa noqotay magacaabista Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim ayaa  si weyn ugu taageeray Cali Cabdulaahi Cosoble diidmadii uu diiday in xilka Madaxweyne laga qaaday waxana uu Cumar Aadan taageeray maamul dhowaan loogaga dhowaaqay magaalada Beledweyne oo ahaa Dowlad goboleedka Hiiranland.

Hase yeeshee Guddoomiye Cumar Aadan Ibraahim ayaa taageeray doorashadii Madaxweyne Waare uu ku guuleystay dhowaan kuna noqday Madaxweynihii labaad ee soo mara maamulka ugu da’ada yar maamul goboleedyada dalka ee Hirshabelle.

Halkan ka aqriso wareegtada:

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.