Jabuuti & Soomaaliya oo Kullan saaxibtinimo ku yeelanaya Muqdisho

0
14

Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in dhawaan magaalada Muqdisho ay martigalin doonto cayaar saaxibtinimo oo yeelan doonaan xulalka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo Jabuuti.


Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa arrintan saxaafadda u sheegtay kaddib markii ay la kulantay danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Wasaaradda, Cayaartoydii hore ee dalka iyo xubno kale.

Intii uu kulanka socday ayaa Wasiir Khadiijo waxa ay Danjire Aadan ka dalbatay in xulka kubada cagta Jabuuti ay yimaadaan Soomaaliya, si kulan saaxiibtanimo ay ula yeeshaan xulka kubada cagta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegtay in ay balan qaadeyso amniga guud iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin inta xulka Jabuuti ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya ayaa sheegay wixii hada ka dambeeyo in ay bilaabayaan qaban qaabada ku aadan sidii xulka kubada cagta Jabuuti ay u imaan lahaayeen Muqdisho, si kulan saaxiibtanimo ay ula yeeshaan xulka Soomaaliya.

Si kastaba, Indhaha caalamka ayaa soo jiitay cayaar ugu dambeesay ee degmooyinka Waaberi iyo Hodan billowgii bishan la qabtay xilli habeen ah 30 sanno kadib.

Share Your Comments