Somalia:Maxaa sabab u ah dib u dhaca doorashada Hirshabeelle [Warbixin]

30

Magaalada Jowhar oo lagu waday in maalinta beri ah ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dib u dhac uu ku yimid, sida shalay la shaaciyay.

Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Sabtida ee soo socoto, sida ay shaaciyeen madaxda maamulka Hirshabeelle.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in dib u dhaca doorashada ay ugu wacan tahay in qabqabsi wali ka taagan xil ka qaadistii Cali Cabdullaahi Cosoble iyo qaar kamid ah musharixiinta madaxweynaha Hirshabeelle.

Warar kale ayaa sheegaya inay ugu wacan tahay dib u dhaca in la doonayo doorashada inay kasoo qeyb galaan madax ka socoto wasaarada arimaha iyo urur goboleedka IGAD si ay korjoogto kaga noqdaan.

Waxaa magaalada Jowhar laga dareemayaa diyaar garowga Doorashada, waxaana musharixiinta ay ka badan yihiin musharixiintii la tartantay Cali Cabdullaahi Cosoble.

Musharixiin badan ayaa soo gaaray magaalada Jowhar,waxay wadaan kulamo iyo latashiyo kala duwan oo ay la sameynayaan odayaasha iyo xildhibaanada Hirshabeelle.

Comments