Mukhtaar Rooboow oo maanta ku wajahan magaalada Baydhabo

36

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta ku wajahan Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga mid ahaa Hoggaamiyaasha Al-Shabaab balse sheegay in uu isaga baxay maalmahaana ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Muqtar rooboow ayaa deegaanka Abal ee Gobolka Bakool waxa uu mudo dhowr Maalmood ah ciidamo uu watay ay kula dagaalameen Al-Shabaab kadib markii ay weerar ku soo qaadeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in uu Muqtar roobow wadahadal kula jiro in kastoo weli la cadeyn mowqifkiisa marka laga soo tago in uu isagu cadeeyay in uu ka baxay Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo waxaana haatan Baydhabo ka socda Xaflad loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Muqtaar rooboow oo la filayo n uu halkaas gaaro Maanta.

Aadan Cali Aadan gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee amniga iyo Siyaasada Magaalada Baydhabo ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Muqtaar Roobow Saacadaha soo socda tegayo Magaalada Baydhabo.

Isha: Dalsan

Comments