Guddoonka aqalka sare oo sheegay ineey maanta go’aan cad kasoo saarayaan arinta Qalbi-dhagax

24
Cabdi xaashi Cabdullaahi
Cabdi xaashi Cabdullaahi

Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Joogtada Aqalka sare ayaa lagu go’aamiyay in Goluhu uu go’aan ka soo saaro arrintan cakiran ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u taallo go’aan ka gaarideeda.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Goluhu uu go’aan ka soo saari doono sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankii Xukuumadda.

“Ajandahaha Guddiga joogtada uu ka hadlay waxa weeye ka doodista go’aankii Xukuumadda ay gaartay ee ku saabsanaa u gudbinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ee Itoobiya loo gudbiyay iyo Xukuumadda go’aanka ay ka soo saartay weeye, kaas aan rabno inaan Aqalka geyno, waxaana ka soo saari doonaa go’aan sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankaas xukuumadda ay gaartay”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi oo la hadlayay Wariyeyaasha markii uu soo dhamaaday kulanka Guddiga joogtada.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay kulan ay kaga doodi lahaayeen arrinta C/kariin Qalbi Dhagax ayaa waxaa uu u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen Tiradii loo baahnaa ee uu kulanka ku furmi lahaa.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wajaheysa cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya labada Aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan go’aankii ay ka qaadatay kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax, waxaana Xukuumadda ay taagan tahay Isgoys ay adag tahay sida ay uga gudubto.

Comments