Somalia: Cumar C/rashiid oo sheegay inaysan heshiis la saxiixan Ethiopia

31

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid  Cali Sharmaake oo la hadlay VOA-da ayaa ka hadlay  Heshiis xukumadii uu hoggaamin jiray la sheegay in ay la gashay dowladda Itoobiya,ka soo ku saabnaa is dhaafsiga Maxaabiista.

Waxaa uu sheegay in uusan jirin heshiis  heer Faderaal ah oo ay la galeen dowladda Itoobiya ,laakiin uu jiray heshiis ku saabsanaa dhibaato ka taagneyd Xadka Galmudug dowlad degaanka Soomaaliya ee Itoobiya oo ay wada gaareen.

Waxaa uu xusay Sharmaake in daliishadda dowladda Soomaaliya ee Sharcigaasi uu yahay wax kama jiraan.

Sidoo kale waxaa tilmaamay in qalbi dhagax uu ahaa Muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana ay sharci daro  tahay  in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.

Dastuurka ayuu sheegay Sharmaake in la jabiyay, hadii uu yahay Xildhibaan Aqalka Sare ka tirsana uu arintaasi wax ka qaban doono.

 

Comments