Somalia: ONLF oo ka jawaabtay go’aankii xukuumadda ka qaadatay Qalbi Dhagax

34

Jabhadda ONLF, ayaa si xoogan u beenisay hadalkii maalintii Arbacada ka soo yeeray Xukuumadda Somaliya, ee ahaa in C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) uu xiriir la lahaa Ururka Al Shabaab.

Xukuumadda Somaliya, ayaa bayaan ku sheegtay in C/kariin Sheekh Muuse uu ahaa nin argagixiso ah, isla-markaana xiirir la leh mintidiinta Al Shabaab, ee dagaalka kula jirta Dowladda Somaliya.

Afhayeenka Jabhadda ONLF, C/qaadir Xasan Hirmooge Caddaani, ayaa tilmaamay in hadalka ka soo yeeray Xukuumadda Somaliya uu yahay mid ka soo baxay Dowladda Itoobiya.

Afhayeenka oo wareysi siinayay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa si kulul u beeniyay in Jabhadda ONLF ay tahay mid argagixiso.

Afhayeenka, ayaa sheegay in ONLF la wada garanayo waxa ay tahay, isla-markaana ay ka dagaalamayan dhulka Ogaadeeniya, dadka Somaliyeedna ay taasi mirqaati kaga yihiin.

Waxaa uu wax nasiib-darro ah uu ku sheegay in bayaankani uu cadaynayo in cadowgii shacabka Somaliyeed, ee Itoobiya uu ka arriminayo Madaxtooyada Somaliya.

Comments